Hivtest.no logo

Ku soo dhawow hivtest.no

Haddii aad rabto in aad hesho baaritaanka fayruska HIV, waxaan kugula talinaynaa in aad ku bilowdo booqashada Takhtarkaaga Guud ama kiliniig baaritaan si lagaaga qaado baaritaan. Hase yeeshee, haddii aanay tani adiga suurogal kuu ahayn, baaritaanka fayruska HIV ee dhakhso ah ee aanan magac lahayn ayaad iskaga qaadi kartaa Sjekkpunkt, Minuttest ama meelaha kale ee kaladuwan ee kiliniigyada baaritaanka. Meelahan waxaa weliba badi laga helaa baaritaanka cudurrada kalee galmada lagu gudbiyo, iyo weliba gargaar iyo talo.

Haddii adeegyadan midkood uusan adiga suurogal kuu ahayn, baaritaanka fayruska HIV ee dhakhso ah ee aanan magac lahayn ee bilaash ah ayaad ku heli kartaa boostada, waxaanad natiijooyinka ku heli doontaa qiyaas ahaan 15 daqiiqo.

Cidma ayaa boostada ku heli karta baaritaanka iskaa la iskaga qaado ee fayruska HIV?

Waxaa tan loogu talagalay dadka marar dhif ah laga baaray ama aanan marnaba laga baarin fayruska HIV, iyo dadka halis dheeraad ah ugu jira in ay qaadaan fayruska HIV.

Kooxaha dadka laga yaabo in ay halis dheeraad ah ugu jiraan in ay qaadaan fayruska HIV waa:

  • Ragga la galmooda ragga. 
  • Haajiriinta. 
  • Dadka jinsi rogan. 
  • Dadka lacag ka hela galmada.


Haddii aad ku jirto mid ka mid ah kooxahan oo aadan isku baari karin xarun baaritaan sabab kastoo jirta, waxaa kuu furan in aad baaritaanka iskaa la iskaga qaado ku dalbato nidaamka Sheekaysiga ee bogga hore. Magac la’aan ayaad halkaas kula sheekaysan kartaa qof ka mid ah kooxdayada waxaanad markaa fursad u heli doontaa in aad dalbato baaritaanka iskaa la iskaga qaado. Haddii aadan rabin in aad sheekaysiga isticmaasho, waxaad wici kartaa mid ka mid ah ururradan.

Sideen u sameeyaa baaritaanka iskaa la iskaga qaado ee fayruska HIV?

Baaritaanka iskaa la iskaga qaado waxuu natiijooyin sax ah ku siin kara qiyaas ahaan 6 toddobaad ka dib markii aad halis u gashay fayruska HIV, laakiin baaritaanku si buuxda sax uma aha ilaa ka dib 12 toddobaad. Waxaa tan sabab u ah in uu yahay baaritaan lagu baaro unugyada difaaca jirka, oo haddii aad caabuqa qaadday, waxay qaadan kartaa ilaa 12 toddobaad si baaritaanka loogu arko natiijooyin togan ama wax lagu helo.

1.

Waxaad baaritaanka dalban kartaa marka aad la sheekaysato qof ka mid ah kooxdayada halkan. Haddii aadan rabin in aad sheekaysiga isticmaasho, waxaad wici kartaa mid ka mid ah ururradan.

2.

Waxaad boostada ku heli doontaa bokhshad qarsoon oo uu ku jiro qalabka aad u baahan tahay si aad baaritaanka u samayso.

3.

Waxaa taas la socda tilmaamaha isticmaalaha, waana in aad kuwan si taxaddar leh u akhrisato ka hor inta aadan samaynin baaritaanka. Waxaan weliba barta internetka ku haynaa fiidiyow tilmaamo leh.

4.

Qalabka baaritaanku waxuu u eeg yahay qalin, waxaanad u isticmaalaysaa si aad dhibic dhiig uga soo qaaddo oo aad uga soo geliso caarada fartaada, ka dibna waxaad sugaysaa 15 daqiiqo.

5.

Waxaad natiijooyinka helaysaa marka aad eegto halka uu jeexu kaga yaallo daaqadda yar ee qalabka baaritaanka. Xasuuso in aad si taxaddar leh u akhrisato tilmaamaha isticmaalaha!

6.

Haddii aad su'aalo qabto ama aadan rabin in aad baaritaanka keligaa samayso, waxaad wici kartaa mid ka mid ah ururradan. Hababka ay adiga kugu caawin karaan waxaa ka mid ah in ay kugula jiraan telefoonka waqtiga aad baaritaanka samaynayso.

Maxaan sameeyaa haddii baaritaanku togan yahay ama wax lagu helo?

Waxaa muhiim ah in aad ogaatid in maalmahan, fayruska HIV uu yahay cudur laga heli karo daawo fiican. Daawadani waa bilaash, oo Norway dhexdeeda, qof kastoo u baahan daawada fayruska HIV ayaa heli kara haddii uu rabo. Waa in aad daawada qaadato maalin walba inta noloshaada ka hartay, laakiin waxay tani ka dhigan tahay in aadan bukoon doonin ama jirroon doonin oo aadan caabuqa qaadsiin karin dadka kale. Haddii aad qabto fayruska HIV laakiin aad daawadaada qaadato, waxaad ku noolaan kartaa nolol gebi ahaan caadi ah – xataa carruur ayaad u dhali kartaa sida caadiga ah haddii aad rabto. Wax dheeraad ah oo ku saabsan fayruska HIV ayaad ka akhrisan kartaa halkan. 

Haddii baaritaanku togan yahay ama wax lagu helo, waxay ka dhigan tahay in laga yaabo in aad leedahay unugyada difaaca jirka ee fayruska HIV, waana in aad markaa gargaar weydiisato shaqaalaha caafimaadka, sida takhtarkaaga, si loo xaqiijiyo natiijada. Waxaan kugula talinaynaa in aad la xiriiro mid ka mid ah ururrada hoose, tan ayaanan markaa adiga kaa caawin karnaa. Haddii aadan rabin in aad annaga nala soo xiriirto, waxaan kugula talinaynaa in aad la xiriirto Takhtarkaaga Guud.

Dadka qaarkood, waxaa ku adkaan karta marka ay ogaadaan in baaritaanka iskaa la iskaga qaado lagaga helay fayruska HIV. Xasuuso in aadan keli ahayn, oo aan annagu ku caawin karno. 

Waxaa muhiim ah in aad xasuusato in baaritaanku uusan marwalba bixinin natiijada saxda ah. Haddii uu ka soo wareegay waqti ka yar 12 toddobaad tan iyo markii aad halis u gashay fayruska HIV, natiijada baaritaanka ayaa noqon karta mid taban ama wax lagu waayo, laakiin waxaa haddana dhici karta in aad qabto fayruska HIV. Haddii baaritaanku uu muujiyo in aad qabto fayruska HIV, waxay tanina noqon kartaa natiijo qalad ah. Markaa waxaa aad muhiim u ah in aad gargaar u doonato shaqaalaha caafimaadka oo aad iska soo qaaddo baaritaanka dhiigga si aad u xaqiijiso haddii aad qabto fayruska HIV.

Yaa aniga i caawin kara?

Hivtest.no waa iskaashiga ama wadashaqaynta afar urur. Ururradan ayaa adiga kaa caawin kara su’aalo kastoo laga yaabo in aad ka qabto baaritaanka, waxayna adiga kugula joogi karaan sheekaysiga ama telefoonka waqtiga aad samaynayso baaritaanka. Waxay weliba ku caawin karaan haddii baaritaanku togan yahay ama wax lagu helo.

Church City Mission

waa urur ka shaqeeya magaalooyinka ku wada baahsan Norway. Waxaan fayruska HIV ka soo shaqaynaynay in ka badan 30 sano. Waxaan annagu caawin karnaa dadka qaba fayruska HIV, ama dadka ay saaxiibbo ama qaraabo yihiin qofka qaba fayruska HIV. Waxaan weliba adiga kaa caawin karnaa su'aalaha ku saabsan baaritaanka iskaa la iskaga qaado ama waxaan kugula jiri karnaa telefoonka waqtiga aad samaynayso baaritaanka. Waa kuwan dhammaan adeegyada aan ka bixinno fayruska HIV:
  • Baaritaan HIV dhakhso ah – bilaash, magac la’aan iyo natiijooyin lagu helo hal daqiiqo.  
  • Macluumaad ku saabsan fayruska HIV, latalin iyo hagis. 
  • Koorsooyin ama casharro loogu talagalay haajiriinta, dadka qaangaarka ah iyo carruurta ku nool fayruska HIV.
  • Fursad loo helo in lala kulmo oo la barto dad kaloo ku nool fayruska HIV.
  • Degaan ama guri loogu talagalay dadka ku nool fayruska HIV.

  
Cinwaan: Hammersborg Torg 3, NO-0179 Oslo.
Telefoon: +47 23 12 18 20
Iimayl: firmapost.aksept@bymisjon.no

Haddii aad u baahan tahay afceliye ama turjumaan, waxaan kugula talinaynaa in aad qof weydiisato in uu annaga na soo waco si uu u sheego in aad afceliye u baahan tahay, si aan annagu kuu caawin karno annagoo diyaarinna afceliyaha telefoonka.

  • Baaritaan HIV dhakhso ah – bilaash, magac la’aan iyo natiijooyin lagu helo hal daqiiqo.  
  • Macluumaad ku saabsan fayruska HIV, latalin iyo hagis. 
  • Fursad loo helo in lala kulmo oo la barto dad kaloo ku nool fayruska HIV.


Cinwaan: Bergljots gate 4 B, 7030 Trondheim
Telefoon: +47 47 47 33 05
Iimayl: health@bymisjon.no

 

Haddii aad u baahan tahay afceliye ama turjumaan, waxaan kugula talinaynaa in aad qof weydiisato in uu annaga na soo waco si uu u sheego in aad afceliye u baahan tahay, si aan annagu kuu caawin karno annagoo diyaarinna afceliyaha telefoonka.

  • Baaritaan HIV dhakhso ah – bilaash, magac la’aan iyo natiijooyin lagu helo hal daqiiqo.  
  • Macluumaad ku saabsan fayruska HIV, latalin iyo hagis.
  • Fursad loo helo in lala kulmo oo la barto dad kaloo ku nool fayruska HIV.


Cinwaan: Kong Oscars gate 62
Telefoon: +47 971 11 876

Iimayl: bergen@minuttest.no

Haddii aad u baahan tahay afceliye ama turjumaan, waxaan kugula talinaynaa in aad qof weydiisato in uu annaga na soo waco si uu u sheego in aad afceliye u baahan tahay, si aan annagu kuu caawin karno annagoo diyaarinna afceliyaha telefoonka.

Hay'adda Helseutvalget

waxay saldhig ku leedahay Oslo, laakiin waxaan weliba diyaar ku nahay qaybaha kale ee Norway. Waxaan fayruska HIV ka soo shaqaynaynay tan iyo sanadkii 1983kii. Waxaan adiga ku caawin karnaa haddii aad su'aalo ka qabto baaritaanka iskaa la iskaga qaado, ama haddii aad rabto in aad qof la hadasho. Waxaan weliba leenahay adeeg gaar ah ee wadahadal iyo baaritaan oo lagu magacaabo sjekkpunkt. Waa bilaash, oo marna laguma weydiin doono magacaaga. Waxaan tababbarnay shaqaale iyo mutaddawiciin weliba ku jira kooxda dadka wax loo qabto.
  • Adeegga wadahadalka iyo baaritaanka.
  • Baaritaan dhakhso ah oo bilaash ah oo aanan magac lahayn ee fayruska HIV iyo cudurka sifiliska, natiijooyinka oo lagu helo hal daqiiqo.
  • Macluumaad ku saabsan fayruska HIV, cudurrada kalee galmada lagu gudbiyo iyo hagis.

    Waxaa weliba laga yaabaa in aad annaga nagu aragto baarasha, xamaamyada iyo meelaha la isku shookaansado.

    Cinwaan: Arbeidersamfunnets plass 1 (laga galo Torggata).
    Telefoon: +47 23 35 72 01
    Sheekaysi magac la’aan:
    www.helseutvalget.no/sjekkpunkt
  • Waxaad fiirin kartaa goorta aan baaritaanka ka qaban doonno xaafaddaada ama degaankaaga: www.helseutvalget.no/sjekkpunkt
  • Waxaan baaritaan joogto ah ka qabannaa Bergen – magac la’aan iyo bilaash. Waxaan weliba booqannaa Trondheim, Stavanger iyo Kristiansand.

HivNorge

waa ururka keliya ee waddanka uga jira bukaannada iyo xuquuqdooda, oo loogu talagalay dadka ku nool fayruska HIV. Waxaan ka shaqaynaa xuquuqda iyo danaha dadka uu saameeyo fayruska HIV, haddii ay iyaga laftigoodu ku nool yihiin fayruska HIV, ay qaraabo u yihiin qof ku nool fayruska HIV, ay qaataan daawada PrEP, ay halis ugu jiraan in ay qaadaan fayruska HIV ama uu fayruska HIV si kale iyaga u saameeyo. Dhanka siyaasadda, waxaan shaqadayada ku caawinnay in aan Norway u keenno daawada PrEP, waxaan ku sababnay in isbeddel lagu sameeyo Xeerka Dembiyada Madaniga ah ee Guud si dadka ku nool fayruska HIV aanan iminka loo ganaaxin ama loo ciqaabin marka ay galmoodaan, waxaanan ku hubinnay in qof kastoo ku nool fayruska HIV uu heli karo caymiska nafta iyo caymiska karti la'aanta.
  • Telefoon:  +21 31 45 80
  • Barta internetka: www.Hivnorge.no
  • Rosenkrantz gate 4, 0159 Oslo

Skeiv Verden

waa urur qaran oo loogu talagalay dadka LHBTIQ+ ee ka soo jeeda asal laga tiro badan yahay. Waxaan annagu nahay urur madaxbannaan oo aanan ku xirnayn diin ama xisbi siyaasi ah, waxaanan ka shaqaynaa in aan hubinno in qof kaste, jinsi kaste ama diin kastoo uu ka soo jeedo, uu muujin karo jihadiisa galmada, aqoonsigiisa jinsiga ama muuqaalkiisa jinsiga isagoo aanan takoor la kulmin. Shaqadayadu waxay suurogal ku tahay mutaddawiciintayada, xubnahayaga, shariikadayada iyo xoghayntayada heellan. Mutaddawiciintayada iyo xubnahayagu waxay ka soo jeedaan asallo laga tiro badan yahay oo aad u kaladuwan, dhinaca jinsiyadda iyo dhinacyada kale. Kooxda dadka aan wax u qabanno waxaa ka mid ah dadka magangalyo doonka ah, shaqaalaha haajiriinta ah, ardayda, iyo dadka ku dhashay Norway ee ka soo jeeda asal laga tiro badan yahay. Skeiv Verden waxuu diiradda ama xoogga saaraa in uu diyaariyo goobo soo dhawayn iyo nabad leh oo dadka khaniisiinta ah ee ka soo jeeda asal haajiraad ay xor iskugu muujin karaan, ay kula kulmi karaan dad soo maray dhacdooyin ama waayo la siman, ay ku heli karaan taageero ayna ku qaadan karaan aqoonta iyaga u fududaynaysa in ay noqdaan khaniis ka soo jeeda asal laga tiro badan yahay.

Macluumaad ku saabsan fayruska hiv:

Waa maxay fayruska HIV?

HIV waxaa lagu soo gaabiyaa Fayruska Difaaca dhiman ee Aadamaha (Human Immunodeficiency Virus). Waa cudur aad qaadi karto marka aad qof la galmooto, ay hooyooyinku u gubin karaan carruurta ama aad ka qaadi karto dhiigga qofka qaba cudurka. QOF WALBA oo fayruska HIV qaba ayaa daawo bilaash ah ku hela Norway. Haddii aad daawada qaadato, waad caafimaad qabi doontaa waxaanad ku noolaan kartaa nolol caadi ah oo dadka kale ma qaadsiin kartid fayruska HIV. Haddii aad magangalyo doon tahay, codsashadaadu iskuma beddeli doonto oo saamayn kuma yeelan doonto haddii aad fayruska HIV qabto iyo haddii kale. Fayruska HIV iyo cudurka AIDS isku mid MA aha. Haddii aad qaaddo caabuqa HIV, waxaad ku noolaan kartaa nolol caadi ah, haddii aad daawo hesho. AIDS waa cudur kugu dhalan kara haddii aad qabto fayruska HIV oo aad daawada qaadan weydo. Cudurka AIDS waad ku dhiman doontaa haddii aad daawo heli weydo.

Sidee loo gudbiyaa fayruska HIV?

  • Haddii aad la galmooto qof qaba fayruska HIV oo aad cinjir isticmaali weydo, waxaad qaadi kartaa caabuqa HIV.
  • Haddii aad isticmaasho isla silingaha ama irbadda qof qaba fayruska HIV, waxaad qaadi kartaa caabuqa HIV.
  • Haddii hooyo uur leh ay qabto fayruska HIV oo ay maalin walba qaadan weydo daawada fayruska HIV, ilmaha ayaa qaadi kara caabuqa HIV.
  • Laga qaadi karo dhiigga dadka lagu shubo waddamada qaarkood (laakiin sidaas kuma aha Norway).

Sidee AYAANAN loo gudbinin fayruska HIV?

  • Haddii qof uu ku jiro fayruska HIV uu maalin walba qaato daawadiisa, oo daawadu ay waxtar fiican leedahay, qofkaasi ma gudbin doono fayruska HIV. 
  • Fayruska HIV kama qaadi doontid calyada, ilmada ama kaadida.
  • Fayruska HIV kama qaadi doontid la joogitaanka qof kale ama xiriirka aad maalin walba la yeelato deriska, saaxiibbada ama qaraabada. 
  • Fayruska HIV ma qaadi doontid haddii aad dadka la wadaagto cunto, cabbitaan, musqusha ama qalabka qubaysiga sarajoogga. 
  • Fayruska HIV ma qaadi doontid haddii aad dadka kale dhunkato ama taabato.
  • Fayruska HIV kama qaadi doontid xayawaanka, sida kaneecada.
  • PrEP waa daawo kuu diidda in aad qaaddo fayruska HIV. Haddii aad samayso galmo halis badan, waxaad daawadan ka heli kartaa takhtarkaaga. Fadlan annaga nala soo xiriir haddii aad su’aalo qabto.

Sideen iskaga baari karaa fayruska HIV?

  • Fayruska HIV badi ma leh calaamado cudur. 
  • Habka keliya ee aad ku ogaan karto haddii aad qabto fayruska HIV waa adigoo iska qaada baaritaanka dhiigga.
    • Baaritaanka dhiigga ee loogu talagalay fayruska HIV waxaad ka heli kartaa Takhtarkaaga Guud ama kiliniig baaritaan. Waxaad natiijooyinka heli doontaa qiyaas ahaan hal toddobaad ka dib.
    • Baaritaanka dhakhso ah ee fayruska HIV ayaad ka heli kartaa dhowr meelood. Waa bilaash, waa magac la’aan waxaanad natiijooyinka heli doontaa islamarkaaba. 
    • Baaritaanka iskaa la iskaga qaado ee fayruska HIV ayaad ku heli kartaa boostada marka aad ka dalbato sheekaysiga halkan.

 

Sidee ayay tahay nolosha lagu qabo fayruska HIV?

  • Maalmahan waxaan dhahnaa in fayruska HIV uu yahay xaalad caafimaad oo waajib kugu ah in aad ku noolaato noloshaada inta ka harsan. 
  • Ma jiraan daawooyin ama habab lagu saaro fayruska, laakiin daawada fiican ayaa suurtogelisa in aadan ku bukoonin ama ku jirroon ama aadan ku dhimanin.
  • Norway dhexdeeda, qof walboo qaba fayruska HIV ayaa daawo bilaash ah hela.
  • Waa in aad daawada maalin walba qaadato, inta ka harsan noloshaada.
  • Haddii aad daawada qaadato, oo daawadu ay waxtar fiican leedahay, dadka kale ma qaadsiin kartid caabuqa.
  • Haddii aad daawada qaadato, oo daawadu ay waxtar fiican leedahay, waxaad ilme u dhali kartaa sida caadiga ah adigoo aanan caabuqa qaadsiinin lammaanahaaga ama ilmaha dhallaanka ah.
  • Waxay tani ka dhigan tahay in ay noloshaadu u dheeraan karto oo ay u caafimaad qabi karto sida qof aanan qabin fayruska HIV. Waxaad saaxiib la noqon kartaa oo aad la socon kartaa wiilal/gabdho waxaanad yeelan kartaa carruur, shaqo iyo nolol caadi ah oo caafimaad leh.
  • Qiyaas ahaan 4,000 oo qof ayaa qaba fayruska HIV Norway dhexdeeda. Marka si kale loo dhigo, haddii aad qabto fayruska HIV, keli ma tihid. Qof kaste oo nooc kaste ah ayaa qaadi kara fayruska HIV, oo muhiim ma aha haddii aad nin tahay ama haweeney tahay, waddanka aad ka timid, ama cidda aad la galmooto.
  • Dhowr urur ayaa adeegyo kaladuwan waddanka oo dhan ugu deeqa qof kastoo uu saameeyo fayruska HIV, waxaanan annagu garanaynaa in aanay qof walba sidaas ugu fududayn in ay ku noolaadaan fayruska HIV, xataa marka ay helaan daawo fiican.

Caabuqyada kalee galmada lagu gudbiyo:

Waxaan annagu weliba kugula talinaynaa in aad iska baarto caabuqyada kalee galmada lagu gudbiyo sida sifilis, gonorrhoea iyo klamidia. Waa in aad baaritaan iska qaaddo ka dib marka aad samayso galmo aadan u isticmaalin wax la isku badbaadiyo, marka aad xiriir la bilowdo lammaane cusub ama aad qof kale la wadaagtay shayada ciyaarta ee galmada. Qof walba ma yeesho calaamado cudur haddii ay caabuqa qaadaan. Haddii aad qabto caabuq kaloo galmada lagu gudbiyo, waxaad halis dheeraad ah ugu jirtaa in aad qaaddo caabuqa HIV. Takhtarkaaga Guud ayaa kaa baari kara dhammaan caabuqyada kalee galmada lagu gudbiyo, ama waxaad isku baari kartaa kiliniig baaritaan.

Ta kontakt med
oss her

Helseutvalget – Arbeidersamfunnets plass 1, 0181 Oslo. Org. nr. 916 551 665.

Samarbeidspartnere

Design: Bielke&Yang | Design & utvikling: Marialyn Andreassen GFX

© Copyright Helseutvalget 2022 | Privacy and cookies